Madaxweyne Cabdiweli oo Garoowe ku soo laabtay

Madaxweyne Cabdiweli oo salaamaya masuuliyiin garoonka ku soo dhaweysay. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Isniin ah dib ugu soo noqday magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Masuuliyiin katirsan haayadaha dowladda ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Garoowe.

Cabdiweli ayaa kasoo laabtay dalka Belgium, halkaas oo uu uga soo qeybgalay shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*