Hillary Clinton oo sheegtay in ay dareemayso caafimaad kadib markii Axadii uu xanuun qabtay

clinton
Hillary Clinton oo sawir qaadayaasha u gacan-haatinaysa. Sawirka: AP.

Washington-(Puntland Mirror) Hillary Clinton ayaa sheegtay in ay dareemayso caafimaad aad u weyn, maalin kadib markii uu xanuun qabtay iyadoo joogtay xuska weeraradii 11-ka September oo lagu qabtay magaalada New York.

Wareysi ay khadka taleefoonka ku siisay taleefishinka CNN waxay ku sheegtay in ay aad u caafimaad qabto.

Sida ay wararka sheegayaan Hillary Clinton ayaa la sheegay in laga dawaynayo xanuunka burukiiteda oo ku dhaca sambabada.

Ninka la tartamaya ee Donald Trump ayaa sheegay in caafimaadka uu ololaha dhexdiisa noqonayo walaac, waxaana uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Mrs Clinton ayaa ku sheegtay intii lagu guda jiray wareysiga khadka taleefoonka in ay rajaynayso in ay wadada kusoo noqoto inta lagu guda jiro maalmaha soo socda.

Murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegtay in ay lumisay xasiloonideeda markii uu xanuunka qabanayay subaxnimadii Axada, laakiin aysan ahayn mid tabar daran.

“Waxaan dareemay wareer waxaana lumiyay xasiloonidayda muddo daqiiqad ah, laakiin markii aan helay marawaxad oo aan hoos fariistay waan qaboobay waxaana cabay xoogaa biyo ah, si dhaqso ah baan u dareemay caafimaad” ayay tiri Hillary Clinton oo wareysi siisay CNN.

Qoraal ay boggeeda Twitter-ka soo dhigtay ayaa Hillary Clinton waxa ay ku sheegtay in ay dareemayso fiicnaan, ayna dhawaan si dhaqso ah ay ugu soo noqonayso hawsheedii.

hillary-twitter

Afhayeenka ololaha Hillary Clinton ayaa sheegay in ay sii dayn doonaan faahfaahino caafimaad oo cusub si ay dadka uga caawiyaan in ay yaraato walacaa ku saabsan xaaladeeda caafimaad.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*