Doorashada Duqa Garoowe: Maxay yihiin musharixiinta tartamaya?

Labada musharax ee hadda u tartamaya duqa degmada Garoowe waa Axmed Siciid Muuse iyo Axmed Abshir Jaamac.

Xulista xildhibaanada golaha deegaanka oo socotay afartii bilood ee lasoo dhaafay ayaa soo dhammaatay, sida masuuliyiin katirsan dowladda ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Doorashada duqa ayaa Axada oo bishu tahay August 26 ka dhici doonta magaalada Garoowe, sida qorshuhu yahay.

27 xildhibaan oo lagu soo xulay nidaamka awood qeybsiga ku saleysan beelaha ayaa dooran doona duqa degmada Garoowe ee shanta sanno ee socota.

Maxaynu ka naqaanaa musharixiinta iyo waxa ay rabaan in ay qabtaan?

Axmed Siciid Muuse

Isha Sawirka: Facebook.

Waxaa loo yaqaanaa Axmed Bare, sanadkii 2005-tii ayuu markii ugu horeysay soo galay siyaasadda Puntland isaga oo xilligaas noqday xildhibaan Puntland, mar kale ayaa dib loogu doortay sanadkii 2009-kii, waxaana uu xildhibaan Puntand ahaa sagaal sanno, xukuumadihii Cade Muuse iyo Cabdiraxmaan Faroole.

Kahor inta uusan xildhibaan noqon waxa uu ahaa ganacsade, waxaana uu kamid ahaa xubnihii ugu horeeyay ee asaasay shirkada korontada NECSOM ee Garoowe, hadda waa madaxa bangiga Iftin qeybta Garoowe. 

Bishii May ee sanadkan ayuu ku dhawaaqay in uu u sharaxanyahay duqa degmada Garoowe.

Waxa uu saaxiibo badan ku leeyahay masuuliyiintii hore ee Puntland iyo kuwa hadda jooga, balse taageerada ugu weyn waxaa uu ka helayaa ganacsatada magaalada gaar ahaan kuwa ay aadka iskugu dhowyihiin sida NECSOM, sida Puntland Mirror ogsoonyahay.

Muxuu doonayaa:

  • Adkeynta nabadgelyada waa qorshihiisa ugu weyn oo uu muhiimada kowaad siinayo.
  • Nadaafada waa qodobka labaad oo uu diirada saari doono si kor loogu qaado caafimaadka.
  • Hagaajinta waddooyinka oo kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada.
  • Xakameynta dhulka oo ah dhibbaatada ugu badan ee keena khilaafka dhiigu ku daato.
  • Dhisida xarun cusub oo ay dowladda hoose leedahay oo ku habboon wakhtigan la joogo, oo magaaladu tahay caasimada Puntland.
  • Xeer u sameynta kaalimaha shidaalka magaalada si looga hortago dhibbaatooyin ka dhasha gubashada, iyo howlgalinta kooxda la dagaalanka dabka oo mar walba heegan ah.

Axmed Abshir Jaamac

Isha Sawirka: Facebook.

Waxaa loo yaqaanaa Bakuuke, kamid noqoshada golaha deegaanka waa shaqadiisii ugu horeysay ee dowladeed, waa nin dhalinyaro ah, waxa uu macalin ka yahay mid kamid ah jaamacadaha maxaliga ah, Puntland State University (PSU).

Bishaan gudaheeda ayuu ku dhawaaqay in uu u tartami doono duqa degmada Garoowe.

Waxa uu taageero ka helay dhalinyarada magaalada oo si fiican uga qeyb qaatay ololihiisa, Jaamacada uu macalinka ka yahay ee PSU ayaa kamid ah dhinacyada uu taageerada ka helayo, sida Puntland Mirror ogsoonyahay.

Muxuu doonayaa:

  • Adkeynta ammaanka magaalada, iyada oo aan loo baahan ciidamo badan balse la wacyigeliyo dadka.
  • Hagaajinta fayodhawka iyo bilicda magaalada
  • Muranka dhulka, isaga oo arrintaas ka leh qorshayaal wax looga qaban doono.
  • Dakhliga dowlada hoose, iyada uu sameyn doono ilo faro badan oo dakhli uga soo xaroon karo degmada marka laga reebo canshuurta, haddii lagu guuleysto howlgalinta ilahaas waxay yareyn doontaa canshuurta la saaro dadka danyarta ah.
  • Maareynta xoolaha magaalada dhex jooga, kuwaasoo dhibbaato ku ah nadaafada iyo bilicda magaalada.
  • Horumarinta waxbarshada iyo caafimaadka magaalada.
  • Daahfurnaan iyo isla-xisaabtan.

1 Comment

  1. faaladaani maahan mid isu dheeli tiran inkastoo ay isu dhowdahay misna maahan inaa murashaxa cv-giisa cag saaaraan .
    BAKUUKE WAA GUDOOMIYE KU XIGEENKA JAAMACADDA PSU

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*