Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha haayada sirdoonka iyadoo aan si rasmi ah loo baahin

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa magacaabay taliyaha sirdoonka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Cabdiqafaar Yaasiin Yacquub, oo ah nin aan horey u soo qaban xafiis dowladeed, ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee haayada sirdoonka iyo ammaanka Puntland ee PISA, ilo-wareedyo dhanka ammaanka katirsan, kuwaasoo codsaday in magacooda aan la sheegin, ayaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Magacaabista taliyaha ayaa soo baxday bishii July, balse madaxtooyada ayaan si rasmi ah u sii deyn, sida ilo-wareedyadu sheegeen.

Bishii June, golaha wasiiradda Puntland ayaa ansixiyay in la isku daro haayadaha PIA (Puntland Intelligence Army) iyo PSS (Puntland Security Service) haddana loo bixiyay Puntland Intelligence and Security Agency (PISA) kadib markii madaxweynuhu shaqada ka eryay taliyeyaashii haayadahaas.

Puntland hadda waxay wajahaysaa khataro argagixiso oo kaga imaanaya ururada hubeysan sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Asbuucii lasoo dhaafay, ciidamada dowladda ayaa dib u qabsaday magaalada Af-urur ee gobolka Bari kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay la wareegeen dabayaaqadii bishii July iyadoo dagaal uusan dhicin.

Af-urur, oo ku dhow magaalo xeebeedka Boosaaso, ayaa bartilmaameed u ahayd Al-Shabaab tan iyo weerarkii bishii June ee 2017 ee ka dhanka ahaa saldhiga ciidamada Puntland, oo lagu dilay ugu yaraan 30 askari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*