Tirada dhimashada weerarkii huteel Naasahablood oo gaartay 17 qof

People moving wounded person out of the blast scene (Photo: Goobjoog.
Dad qof dhaawac ah ka qaadaya goobta qaraxa. (Sawirka: Idaacada Goobjoog)

 

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada qaraxii loo adeegsaday gaariga oo shalay oo Sabti ahayd lala beegsaday huteelka Naasahablood ee Muqdisho ayaa gaartay 17 qof, sida uu sheegay afhayeenka wasaarada amniga, Cabdikaamil Shukri.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas shalay oo Sabti ahayd lagu qaaday huteel Naasahablood.

“Waxaanu weerarnay huteel kaasoo ay badanaa dagaan xubnaha dowlada,” afhayeenka howlgalada militariga u qaabilsan maleeshiyada al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Reuters.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo Muqdisho ka dhaca bil gudaheed wuxuuna daba socday kowdii Juun weerar ay maleeshiyada ku qaadeen huteel Ambassador kaasoo ay ku dhinteen 16 qof oo ay ku jireen labo xildhibaan.

Dagaalyahanada al-Shabaab ayaa waxaa Muqdisho ka saaray sanadkii 2011-kii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya, si kastoo ay ataahaba, waxay sii wadeen weerarada joogtada ah oo u jeedkoodu yahay wax yeelaynta dowlada uu caalamka taageero.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*