Puntland oo taageero milatari ku wareejisay maamulka Galmudug

Guddoomiyaha gobolka Mudug Sanyare oo taageerada milatari ku wareejinaya masuuliyiinta Galmudug. [Isha Sawirka: Facebook]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah taageero milatari ku wareejisay maamulka Galmudug kuwaasoo dagaal kula jira maleeshiyada A-Shabaab.

Taageerada ayaa ahayd hub iyo gaadiid, sida uu ku sheegay qoraalo mahadcelin ah uu boggii-sa Facebook soo dhigay wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi.

Fiqi ayaa sheegay in taageerada Puntland ay timid kadib markii labada madaxweyne ay kulan ku yeesheen si loogu midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Taageerada ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada Puntland ee PSF ay gaareen deegaano katirsan Galmudug si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab oo ciidamada Galmudug bilihii u dambeeyay dagaalo ku dhexmarayeen gobolada dhexe gaar ahaan deegaanka Camaara iyo Bacaadweyne.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*