Dooni ganacsi oo ku socotay Hobyo oo ku degtay biyaha Badweynta Hindiya

Dooni ganacsi oo ku socotay Hobyo oo ku degtay biyaha Badweynta Hindiya. [Sawirka: Archive]
Dooni ganacsi oo ku socotay Hobyo oo ku degtay biyaha Badweynta Hindiya. [Sawirka: Archive]
Dubai-(Puntland Mirror) Dooni ay saarnaayeen alaabo ganacsi ayaa lagu soo waramayaa in ay ku degtay Badweynta Hindiya.

Doonida ayaa ka timid dalka Isutaga Imaaraatka Carabta oo ay alaabaha ganacsiga ka soo qaatay waxayna ku socotay dekad macmal ah oo laga sameeyay degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Alaabaha ganacsi ee ay doonidu siday waxaa kamid ahaa gawaari, shidaal iyo waxyaabo kale oo ganacsi, kuwaasoo ay lahaayeen dad ganacsato ah oo kasoo jeeda deeganada Galmudug.

Qeyb kamid ah shaqaalihii doonida saarnaa ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu samatabixiyay Markab dagaal oo aan la aqoon cida leh oo joogay biyaha Badweynta Hindiya.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in doonidu ay degto balse ilo-wareedyada ayaa sheegaya in ay ku timid cild kaga timid mawjadaha dabaylo ah oo badda ka dhacayay.

Sanad walba dhowr doonyood oo u raran ganacsato Soomaaliyeed ayaa ku dega Biyaha Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, waxanaa ku luma alaabo ganacsi oo lagu qiyaasay tobonaan malyan.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*