Madaxweyne Xasan Shiikh oo Xamza Cabdi Bare u magacaabay Raysulwasaare cusub

Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhinac taagan Rayuslwasaaraha cusub Xamza Cabdi Bare. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Xamza Cabdi Bare u magacaabay raysulwasaaraha cusub ee dalka.

Magacaabista oo gelinkii dambe ee Arbacada laga sii daayay taleefishinka, ayaa madaxweynuhu kaga dhawaaqay raysulwasaaraha cusub, isagoona u rajeeyay in uu dardargeliyo howlaha horyaala xukuumadda sida ammaanka, abaaraha iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay caalamka.

Xamsa ayaa shahaadada master ka haysta maamulka oo uu ka qaatay International Islamic University ee Malaysia. Hadda waxa uu ahaa xildhibaan katirsan baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasoo laga soo doortay Jubbaland.

Waxa uu bedeli doonaa Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiska joogay ku dhawaad labbo sanno, soona hoggaamiyay hannaanka doorashadii madaxtinimada ee sanadkan 2022.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*