Madaxweynaha Soomaaliya oo wadahadal la yeeshay dhiggiisa Kenya

Madaxweyne Kenyata oo madaxtooyada Kenya ku soo dhaweynaya Madaxweyne Farmaajo. [Sawirka]
Nairobi-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahadal la yeeshay dhiggiisa Kenya ee Uhuru Kenyatta kulan ka dhacay magaalada Nairobi Arbacadii.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada-xaajooday xiriirka labada dal ee dhinacyada ammaanka, la dagaallanka kooxaha argagixisada ah, ganacsiga iyo horumarinta adeegyada bulshada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxyaabaha kale ee ay labada Madaxweyne ka wada hadleen waxaa ka mid ah iskaashiga dhaqaale ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay isu socodka dadka iyo badeecadaha. Waxaa sidoo kale la isla gartay in la sugo ammaanka xudduudaha labada dal si looga hortago in kooxaha argagixisada ahi ay isaga gudbaan, sida lagu sii sheegay bayaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*