Dagaalkii Gaalkacyo oo joogsaday, ugu yaraan shan qof oo ku dhimatay

gl5
Muuqaalka magaalada Gaalkacyo Maqribkii Galabta. [Sawirka: Puntland Mirror]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Galmudug ayaa galabta oo Sabti ah dib uga qarxay duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo-wareedyo ciidamada ah.

Dagaalkii galabta ayaa bilaabmay kadib markii maleeshiyada Galmudug ay labo dhinac kasoo weerareen ciidamada Puntland ee ku sugan saldhigyadooda duleedka koonfurta-galbeed ee magaalada Gaalkacyo, sida ilo-wareedyo ciidamada ah ay warsidaha Puntland Mirror u sheegeen.

Dagaalkii galabta ayaa la isku adeegsaday hubka culus iyadoo labada dhinacba ay si toos ugu dagaalameen fool ka fool.

Ugu yaraan shan qof oo labada dhinac ee dagaaamay ah ayaa ku dhimatay in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalkii galabta oo Sabti ah dhacay. Dagaalka ayaa hadda joogsaday iyadoo aaska madoobaaday oo habeenimo la galay.

Warar lagu kalsoonaan karo oo madax-banaan ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dhanka maleeshiyada Galmudug laga gubay gaari tikniko ah intii uu socday dagaalkii galabta.

Dagaalka cusub ee galabta ayaa daba socday dagaalo maalmihii lasoo dhaafay u dhaxeeyay labada dhinac.

Ma jirto jawaab rasmi ah oo ka timid masuuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Galmudug tan iyo markii uu qarxay bishii hore.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*