Madaxweynaha Puntland oo wacad ku maray in ay cadaalada horkeeni doonaan kuwa ka dambeeya qaraxii lagu dilay guddoomiyaha gobolka Mudug

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa balanqaaday in ay cadaalada horkeeni doonaan kuwii ka dambeeyay weerarki ismiidaaminta ahaa ee Axadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay guddoomiyaha gobolka Mudug.

Isaga oo la hadalayay dadweynaha xalay, Deni ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo muujinaya kuwa ka dambeeya weerarkaas. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay dad badan u qabteen weerarkii ka dhacay bishii Maarso Garoowe, kaasoo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi.

“Waxaan u sheegayaa dadka waxaas ka dambeeyay ay muteysan doonaan ciqaab meel kasta ay joogaana aan uga dabo tagi doono, waxaan haynaa raadad badan waxaa la hayaa dad faro badan dilkii hore oo Nugaal ka dhacay qeyb ka ahaa,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Waxaad arki doontaan mar dhow iyaga oo meelo fagaare ah lagu dili doono, waan u aarayna masuuliyiinta reer Puntland ee umadoodu u shaqeynaysay ee lala beegsaday dilka.” Ayuu ku sii daray.

Madaxweynaha ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in ay garab istaagaan dowladooda si looga adkaado cid walba oo dooneysa in ay dhibbaato ka geystaan gudaha deegaanada Puntland.

Guddoomiyihii gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa shalay gaari qarax ah oo lala beegsaday lagu dilay xilli uu ka tagayay xafiiskiisa gudaha magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay tabiyeen warbaahinta kooxda argagixisada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*