Muxuu Madaxweyne Deni u rabaa in uu hub ka dhigis ugu sameeyo siyaasiyiinta gobolka Nugaal?


Garoowe-(Puntland Mirror) Xiisad ayaa ka taagan magaalada Garoowe iyadoo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni uu isku dayayo in uu hub ka dhigis ku sameeyo qaar katirsan siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Nugaal.

Siyaasiyiinta uu rabo in madaxweyne Deni uu hub ka dhigis ku sameeyo ayaa waxaa kamid ah taliyihii hore ee ciidamada booliiska Puntland Janaraal Cabdi Xasan Xuseen oo loo yaqaan Cabdiyare iyo wasiirkii hore ee maaliyada Xasan Shire Abgaal.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ku amray taliyaha cusub ee booliiska Puntland Muumin Cabdi Shire in uu gaadiid dagaal uu ka soo wareejiyo Janaraal Cabdiyare kaasoo la sheegay in taliyihii hore ee booliiska uu qaadacay, iyadoo gurigiisa Garoowe ay isku hareereyeen ciidamo kasoo jeeda gobolka Nugaal oo hubaysan.

Waxaa jira odayaal reer Nugaaleed ah oo wada wada-xaajood iyaga oo taliye Muumin u sheegay haddii uu qaado tilaabo in ay ka dhalan karto colaad ka dhex qaraxda caasimada Puntland ee Garoowe, oo lagu tilmaamo meelaha ugu nabada fiican Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa bog wareedka Puntland Mirror u sheegay in Deni uu ka cabsi qabo siyaasiyiintan in ay caqabad ku noqon karaan qorshe uu ku doonayo muddo kororsi isaga oo u maraya hanaanka xisbiyada badan xilli muddo xileedkiisii shanta sanno ahayd ee madaxweynaha ay ka harsan tahay hal sanno.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*