Doorashadii guddoomiyaha degmada Dangorayo oo dib u dhacday kadib khilaaf ka dhashay xubnaha golaha deegaanka

Dangorayo1
Xarunta dowlada hoose ee degmada Dangorayo. Sawirka: Puntland Mirror.

Garoowe-(Puntland Mirror) Doorashadii guddoomiyaha degmada Dangorayo ayaa dib u dhacday kadib khilaaf ka dhashay tirada xubnaha golaha deegaanka.

Guddiga doorashada ee ka socday wasaarada arrimaha gudaha Puntland ayaa tirada golaha deegaanka ku kordhiyay afar xubnood oo cusub halka awal ay ka ahayd 21 xubnood taasoo keentay khilaaf weyn oo sababay in aysan doorasho qabsoomin.

Qof dadka deegaanka ah ayaa Puntland Mirror u xaqiijiyay in dablay hubaysan oo ka socday beelaha deegaanka ay qabsadeen xarunta dowlada hoose.

Dablayda ayaa la sheegay in ay ka caroodeen xubno cusub oo la siiyay beelo aan deegaanka ahayn.

Dangorayo waa degmo qadiimi ah oo ku taala gobolka Nugaal waxaana degmo loo aqoonsaday xilligii dowladii Maxamed Siyaad Bare, degmada waxaa ku nool dad ka badan 20,000 oo qof.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*