Ciidamada Itoobiya oo ka baxay magaalooyin kuyaala Soomaaliya

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya. [Sawirka: AFP]
Beledweyne-(Puntland Mirror) Boqolaal ciidamada Itoobiya ah ayaa ka baxay magaalo kutaala Soomaaliya maanta oo Talaado ah, ugu yaraan waa meeshii labaad asbuucaan oo ciidamadoodu ka baxaan, sida uu wakaalada wararka ee AFP u sheegay sarkaal ciidamada amaanka Soomaaliya ah.

Cabdirisaaq Macalim Axmed oo ah sarkaal katirsan ciidamada amaanka, ayaa u sheegay AFP in ciidamada Itoobiya ee ku suganaa deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan, kuwaasoo qayb ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ay isaga baxeen deegaankaas saakay oo Talaado ah kadib madaafiic lagu bartilmaameedsaday saldhigooda xalay.

Maleeshiyaad u dhawaa oo Al-Shabaab ahaa ayaa dib ugu soo noqday magaalada, taasoo u jirta qiyaastii 70 km caasimada gobolka ee Beledweyne.

“Ciidamada Itoobiya waxa ay ka baxeen magaalada Ceel-Cali saakay aroortii,” Cabdirisaaq ayaa sidaa u sheegay AFP, isaga oo ku daray in sababta ay uga baxeen aysan cadayn.

“Waxa ay kusii jeedeen magaalada Beledweyne haddana waxaaba mar hore magaalada la wareegay maleeshiyada Al-Shabaab,” ayuu u sheegay wakaalada wararka AFP.

Tilaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii dowlada Itoobiya ay iclaamisay xukun deg deg ah si wax looga qabto hirarka banaanbax ee dalkeeda ka socda.

Itoobiya ayaa sidoo kale ciidamadeeda kala baxday deegaanka Moqokori intii lagu guda jiray asbuucyadii dhawaa.

“Waxay wali samaynayaan in ay baneeyaan siiyaana fursad maleeshiyada ay ku qabsadaan magaalooyinkii la xoreeyay,” ayuu yiri sarkaalka Soomaaliga ah ee la hadlay wakaalada wararka AFP.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in maleeshiyadeedu ay la wareegeen Ceel-Cali, sida ay ku sheeegeen fariin ay soo dhigeen akoonkooda Telegram-ka.

Qof dadka deegaanka ah oo jooga magaalada Beledweyne ayaa u sheegay AFP, in ciidamada amaanka Soomaaliya ay sidoo kale ka baxeen magaalada.

“Intii badnayd ganacsatadii waa ay carareen kadib markii ciidamada Itoobiya baxeen saakay, waxaan aragnay dad badan oo ay kamidyihiin ciidamada dowlada Soomaaliya oo gaaray magaalada Beledweyne,” ayuu AFP u sheegay Cusmaan Aadan oo kamid ah dadka deegaanka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*