Dagaalyahan katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay deegaanka Quunya Barrow ee Shabeellaha Hoose

Dagaalyahan katirsan Al-Shabaab oo sida calanka kooxda. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Hal dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka, sida ay bayaan ku sheegeen taliska Mareykanka ee Afrika.

Duqeynta ayaa Sabtidii ka dhacday deegaanka Quunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay bayaanka.

Waxay intaas ku dareen in duqeyntaas aysan jirin wax shacab ah oo khasaare kasoo garaay.

Asbuucii lasoo dhaafay, sagaal dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanku ay ka geysteen meel u dhow magaalada Kismaayo.

Mareykanka ayaa kordhiyay tan iyo horaantii 2017 duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo lagu dilay tobonaan dagaalyahan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*