Samsung oo si rasmiya u joojisay soo-saarka Galaxy Note 7

samsung
Mid kamid ah taleefoonka Samsung ee Galaxy Note 7 oo dab qabsaday. [Sawirka: Reuters]
Seoul-(Puntland Mirror) Shirkada weyn ee Tiknoolajiyada Samsung oo laga leeyahay dalka Koonfurta Kuuriya ayaa si rasmiya u joojisay soo-saarka taleefoonkeeda gacanta ee Galaxy Note 7 kadib warar ku saabsan aalada oo sheegaya in dab uu qabsanayo.

Shirkada ayaa horey u yaraysay soo-saarka tirada Galaxy Note 7.

Dadka haysta Galaxy Note 7 ayaa la filayaa in ay dib u soo celiyaan taleefoonada iyadoo dib loogu celinayo lacagtoodii ama loogu badalayo taleefoon kale oo ka duwan.

“Waxaanu dhawaan dib u habaynay soo-saarka shaqada iyadoo lagu samaynayay baaritaan kantaroolka tayada, laakiin waxa laga eegay bad-qabka macaamiisha oo ah muhiimada ugu saraysa, waxaanu gaarnay go’aankii ugu dambeeyay oo aanu ku joojinayno soo-saarka Galaxy Note 7,” ayay tiri shirkada.

“Iyada oo faa’iidadu tahay bad-qabka macaamiisha, waxaanu joojinay iibka iyo badalaada Galaxy Note 7 sidaa darted waxaan goa’aan ku gaarnay in aan joojino samayntiisa.” Ayay sheegtay Samsung.

Shirkada Samsung ayaa bishii lasoo dhaafay ee September joojisay iibka taleefoonkeeda gacanta ee Galaxy Note 7 kadib markii laga helay qayb taleefoonada kamid ah in ay qarxaan marka la dabaynayo.

Kadib, ayaa shirkada ku adkaysatay in dhamaan taleefoonadii ay badashay ay bad-qabaan.

Laakiin maanta oo Talaado ah, ayaa shirkada sheegtay in ay joojinayso soo-saarka Galaxy Note 7.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*