TPEC oo sheegtay in ay soo gunaanaday diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Shaqaale katirsan TPEC isagoo isticmaalaya nidaamka biometric xog ka buuxinaya qof codeeye ah tuulo hoostagta degmada Eyl. [Isha Sawirka: TPEC]
Garoowe-(Puntland) Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in ay soo gabogabeeyeen diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada soo socota ee dowladda hoose.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa laga sameeyay saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Uffeyn muddo labbo todobaad ah iyo afar maalmood oo loogu daray degmo kasta.

Tirada dadka codbixiyeyaasha iska diiwaangeliyay seddexdaas degmo ayaa la shaacin doonaa mar dhow, sida guddiga ay ku sheegeen qoraal ay ku daabaceen boggooda Twitter-ka fiidnimadii Isniinta, iyagoo intaas ku daray in ay jaangoyn doonaan wakhtiga doorashada, taasoo la filayo in ay dhacdo sanadkan.

Saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Uffeyn ayaa loo soo xulay doorashada hordhaca ah ee dowladdaha hoose waxaana ku xigi doona inta kale ee Puntland, sida guddiga uu qorsheeyay.

Ilaa sagaal urur siyaasadeed oo uu ku jiro kan dowladda oo lagu magacaabo Kaah ayaa ku tartami doona doorashooyinka dowladdaha hoose ee Puntland ee soo socda, kuwaasoo noqon doona nidaamkii ugu horeeyay ee dimuqraadiyada xisbiyada badan ee dowladda 23-sanno-jirka ah ee kutaala waqooyi-bari Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*