Madaxweynaha Puntland oo taliyeyaal cusub u magacaabay ciidamada milatariga iyo booliiska

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa taliyeyaal cusub u magacaabay ciidamada milatariga iyo booliiska maanta oo Axad ah.

Taliyaha cusub ee milatariga ayaa loo magacaabay Cabdishakuur Cabdullaai Xuseen, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa magacaabista sameeyay kadib markii taliyihii hore ee ciidamada milatariga Janaraal Siciid Maxamed Xirsi oo loo yaqaan Siciid Dheere uu subaxnimadii hore ee Axada iclaamiyay in uu u tartamayo madaxtinimada Puntland, ee la filayo in la qabto bisha Janaayo ee sanadka soo socda.

Digreeto kale oo ka soo baxday maaxtooyada, ayaa Muxiyadiin Axmed Muuse loogu magacaabay taliyaha ciidanka booliiska Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*