Caasimada Puntland ee Garoowe oo soo jiidatay maalgeliyeyaasha

Huteel cusub oo dhawaan laga dhisay gudaha magaalada Garoowe. [Xigashada Sawirka: Maxamed Daahir Caynsane/sawirqaade madax-banaan]
Huteel cusub oo dhawaan laga dhisay gudaha magaalada Garoowe. [Xigashada Sawirka: Maxamed Daahir Caynsane/sawirqaade madax-banaan]
Garoowe waa xarunta gobolka Nugaal iyo caasimada dowladda Puntland ee Soomaaliya. Magaaladu waxay kamidtahay magaalooyinka ugu balaaran Soomaaliya uguna dadka badan.

Garoowe waxa ay kutaalaa bartamaha gobolada Puntland, magaalada ayaa si xowli ah u koreysa.

Sanadadii dhawaa ee lasoo dhaafay, magaalada waxaa laga furay huteelo casri, makhaayado heer sare ah iyo xarumo kale oo ganacsi, kuwaasoo qeyb weyn ka qaatay horumarka caasimada.

Magaalada ayaa soo jiidatay maalgashadayaasha kuwaasoo doonaya in ay maalgashi ka samaystaan gudaha Garoowe.

Waxyaabaha keenay in ay magaaladu soo jiidato maalgashadayaasha ayaa waxaa kamid ah; ammaanka magaalada, deegaanka wanaaagsan, is-ku xirka buldhada iyo fursado kale oo badan.

Kaabayaasha dhaqaalaha oo ay kamidyihiin wadooyinka waa-weyn ayaa kamid ah waxyaabaha soo jiitay maalgashadayaasha.

Cabdiraxmaan Cabdullahi Jaamac, waa qurbajoog reer Puntland ah, waxaana uu ganacsi ka samaystay dalka Zambia, waxaa uu hadda jooga Garoowe, waxaa uu Puntland Mirror u sheegay in ammaanka magaalada iyo muuqaalka guud ay soo jiidatay uuna rajaynayo in uu halkaan maalgashi ka samaysto.

“Halkan waxaan imid dabayaaqadii bishii December… runtii aad baan ugu maqsuuday sida Garoowe ay u egtahay…marka la fiirsho, amaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee aan haysano, marka waxaan go’aansaday in aan halkaan ganacsi cusub ka bilaabo inta lagu guda jiro sanadkan 2016-ka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

“Haddii aad mar-martid magaalada, dhismaa si aad iyo aad ah uga socda.” Taasina waxay muujinaysaa horumarka magaalada.” Ayuu ku daray.

Si kastoo ay ahaataba, dhismaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Garoowe oo ay gacanta ku hayso shirkad Turkig ah, oo ay ku baxayso kharash gaaraya $6 milyan uuna maalgeliyay dalka Kuweyt, ayaa qeyb weyn ka qaadan doona horumarka dhaqaale ee magaalada iyo kan dalka oo dhan.

About Shafei Osman Yusuf 19 Articles
A Puntland Mirror columnist focuses on issues related to social development. Shafei holds a bachelor of public administration from Puntland State University (PSU) and a bachelor of education from Islamic University in Uganda (IUIU). You can reach him on: shaafiyare2011@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*