Xaalada abaarta ka jirta gudaha Puntland oo meel adag maraysa iyadoo dadku ay u baahanyihiin gurmad bini’aadanimo oo deg deg ah

Dadka ay abaartu saamaysay ayaa si deg deg ah ugu baahan biyo iyo cuno.  [Xigashada Sawirka: Puntlandi]
Dadka ay abaartu saamaysay ayaa si deg deg ah ugu baahan biyo iyo cuno. [Xigashada Sawirka: Puntlandi]
Garoowe-(Puntlan Mirror) Xaalada abaarta ka jirta gudaha gobolada Puntland ayaa maraysa meel aad u adag, iyadoo dadku ay u baahanyihiin gurmad deg deg ah.

Dad badan oo xoolihii ay dhaqan jireen ka dhammaadeen ayaa hadda bilaabay in ay u guuraan magaalooyinka si ay naftooda u badbaadiyaan.

Abaarta hadda jirta ayaa lagu qiyaasay in ay saamaysay 1.5 milyan oo dad ah oo ku dhaqan gudaha Puntland.

Dadka ay abaartu saamaysay ayaa si deg deg ah ugu baahan biyo iyo cuno. Waxaana ay dadkaasi khatar ugu jiraan in ay naftooda waayaan haddii aan si dhaqso ah gurmad loola gaarin.

Dhawaan hal qof ayaa haraad dartiis ugu geeriyooday deegaan miyi ah oo ku dhow tuulada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal.

Gurmadka abaarta ayaa u muuqda mid gaabis ah iyadoo marba marka ka dambaysa ay xaalada dadkaasii sii xumaanayso.

Abaarta hadda taagan ayaa gabi ahaanba si guud u saamaysay Soomaaliya oo dhan.

Nolosha dadka xoolo dhaqatada ah ayaa ku tiirsan xoolaha nool iyadoo xooluhuna ay ku tiirsanyihiin xilli roobaadka ka da’a dalka, xilli roobaadkii Deyrta oo sida caadiga ah la helo bilaha October iyo November oo baaqatay ayaa sababtay abaar daran ee hadda gaaracaysa dhulka. Xilli roobaadka soo socda ayaa ah Gu’ waxaana la filayaa in uu da’o bilaha April iyo May.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*