Wasaaradda maaliyada Puntland oo baarlamaanka hor geysay miisaaniyada sanadka 2017

img_3727
Baarlamaanka ayaa maalmaha soo socda ka doodi doona miisaaniyada 2017-ka, kadibna waxay u qaadi doonaan cod. [Xuquuqda Sawirka: Puntland Post]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaarada maaliyada dowladda Puntland ayaa maanta oo Talaado ah baarlamaanka hor geysay miisaaniyada sanadka soo socda ee 2017-ka.

Dhaqaale dhan $160, 5600,648 ayay wasaaraddu maaliyadu horgeysay baarlamaanka, iyaga oo ka doodi doona maalmaha soo socda, kadibna cod u qaadi doona.

Dakhli koror ayaa sanadkan ka muuqda miisaaniyada Puntland, iyadoo dhaqaale laga filayo Bangiga Aduunka. Sidoo kale waxaa jira dakhli ay wasaaraddu ka fileyso gobolada Hayland, Gardafuu iyo Sanaag, kuwaasoo horey aan canshuuro looga qaadi jirin.

Puntland oo 19-sanno maamul ahayd ayaa miisaaniyadeedu aad u yartahay. Dakhliga ugu badana waxa uu kasoo xaroodaa dekada weyn ee magaalada Boosaaso oo il dhaqaale u ah Puntland.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*