Baarlamaanka Puntland oo doortay madaxweyne cusub

Siciid Cabdullaahi Deni. [Isha Sawirka: Facbook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Talaado ah Siciid Cabdullaahi Deni u doortay madaxweynaha cusub.

Deni ayaa helay 35 cod halka musharixii la loolamayay Asad Cusmaan Cabdullaahi uu helay 31 cod intii lagu guda jiray wareega saddexaad ee codbixinta oo ka dhacday xarunta baarlamaanka ee Garoowe, caasimada Puntland, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Cabdikariim Axmed Maxamed, kaasoo ku dhawaaqay natiijada kama dambaysta ah.

21 xildhibaan oo uu ku jiro madaxweynaha xilka ka tagaya ayaa ka qeybgalay doorashada.

Horey waxa uu u soo noqday wasiirka qorshaynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu badali doonaa Cabdiweli Maxamed Cali oo xukunka yimid bishii Janaayo sanadkii 2014.

Deni ayaa soo dhisi doona golihiisa wasiiradda kahor Janaayo 08-deeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*