Mareykanka oo $17 milyan siinaya Soomaaliya si ay uga caawiso la dagaalanka coronavirus

Safiirka Mareykanka Soomaaliya Donald Y. Yamamoto. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa $17 milyan siinaya Soomaaliya si ay uga caawiso jawaabta dalka ee ku aadan xanuunka coronavirus, sida ay war-saxaafadeed ku sheegtay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya maanta oo Khamiis ah.

“Caawimaada ayaa gacan ka geysan doonta kahortaga iyo kantaroolka xanuunka, maaraynta kiisaska.” Sidaa ayaa lagu yiri war-saxaafadeed.

Mareykanka ayaa ah deeq-bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya, isaga oo $5.3 bilyan oo gar-gaar ah geliyay Soomaaliya 20-kii sanno ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Soomaaliya ayaa 2,719 kiis iyo 88 dhimasho ah oo COVID-19 ah diiwaangelisay ilaa iyo hadda, sida ay sheegayso xogta Wasaaradda Caafimaadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*