10 maleeshiyo oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay koonfurta Soomaaliya

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Xigashada Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Toban maleeshiyo oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeymo ka dhacay Soomaaliya labadii maalmood ee lasoo dhaafay, sida ay sheegeen ciidamada Mareykanku.

Axadii, duqeyn ka dhacday deegaanka Dheerow Sanle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu dilay lix maleeshiyo Al-Shabaab ah, sida ay bayaan ku sheegeen taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Isniintii, duqeymo kale oo ka dhacay deegaanka Baqdaad ayaa waxaa ku lagu dilay afar maleeshiyo oo Al-Shabaab ah, sida ay sheegeen AFRICOM.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in duqeymahaas aysan wax dhibbaato ah kasoo gaarin wax shacab ah.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Sanadkii lasoo dhaafay, ugu yaraan 47 duqeymood ayaa ka dhacay dalka kuyaala Geeska Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*