In ka badan 400 oo dadka deegaanka Qandala ah oo ka cararay guryahooda baqdin ay ka qabaan dagaalo

Dad ka yimid magaalada Qandala oo soo gaaray Boosaaso. [Sawirka: SBC TV]
Dad ka yimid magaalada Qandala oo soo gaaray Boosaaso. [Sawirka: SBC TV]
Boosaaso-(Puntland Mirror) In ka badan 400 oo dadka deegaanka Qandala ah ayaa ka cararay guryahooda, iyaga oo ka baqaya isku dhacyo kadib markii ay halkaas yimaadeen dagaalyahano ISIS ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Maxamed Xirsi, oo ah dadka deegaanka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, ayaa Puntland Mirror u sheegay in dadka intooda badan ay yimaadeen Boosaaso.

“In ka badan 400 oo Qandala ka yimid ayaa maanta Boosaaso ku yimid doonyo,” ayuu yiri Maxamed.

“Saraakiisha gobolka Bari ayaa soo dhaweeyay dadka soo barakacay oo u badnaa dumar iyo caruur.” Ayuu ku daray.

Arrintan ayaa imaanaysa saddex maalmood kadib markii maleeshiyaad taageersan ISIS oo uu hoggaaminayo sarkaal hore oo Al-Shabaab ahaa Cabdiqaadir Muumin ay qabsadeen magaalo xeebeedka, balse ay ka baxeen mar dambe markii Puntland ay halkaas ciidamo u dirtay.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*