Al-Shabaab oo sheegtay in 57 askari oo Kiinyaati ah ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhig ciidan

Al-Shabab oo sheegtay in ay 57 askari oo Kiinyaati ah ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhig ciidan. [Sawirka: Archive]
Al-Shabab oo sheegtay in ay 57 askari oo Kiinyaati ah ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhig ciidan. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegaya in ay dileen ugu yaraan 57 askari oo Kenyaati ah kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhig milatari oo kuyaala deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubada Hoose, una dhow xadka Kenya.

Sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka Reuters, Afhayeenka howlgalada milatariga Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in dagaalyahanadoodu ay qarax gaari gudaha u gasheen saldhiga kahor inta aysan maleeshiyaad hubaysan weerarin.

“Labo Mujaahidiin ah ayaa weerar gaari oo qarax ah gudaha u gashay saldhiga Kulbiyow kahor inta aan la weerarin,” ayuu  yiri Abu Muscab.

“57 askari oo Kiinyaati ah baanu ka tirinay inta dhimatay….waxaanu gacanta ku dhignay baabuur iyo hub…. Saldhigana waanu la wareegnay.” Ayuu ku daray.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay milatariga Kenya oo la dhaho Kornayl Paul Njuguna ayaa ku tilmaamay sheegashada Al-Shabaab mid been ah, balse waxa uu Reuters u sheegay in howlgalku uu socdo.

Si kastoo ay ahaataba, maahan macquul in la xaqiijiyo sheegashada kala duwan ee ku aadan inta qof ee ku dhimatay weerarka maanta oo Jimce ah.

15-kii bishii Janaayo ee sanadkii lasoo dhaafay, ilaa iyo 200 ciidamo Kiinyaati ah ayaa lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday saldhig milatari oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cade.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*