Roobab mahiigaan ah oo la filayo in ay ka da’aan Puntland, haayada HADMA oo digniin jeedisay

Xarunta haayada HADMA ee magaalada Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Haayada Arrimaha Insaanimada  iyo Maareynta Musiibooyin ee Puntland (HADMA) ayaa uga digtay dadka reer guuraaga ah in ay xoolahooda jiriyaan iyadoo la filayo in roobab mahiigaan ah ay ka da’aan qaybo kamid ah Puntland maalmaha soo socda.

Agaasimaha haayada HADMA Cabdulaahi Axmed Cayrow ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in roobabka mahiigaan ah ay waxyeeli karaan nafta xoolaha haddii aan loo xirin wax ay ka jirsadaan roobka.

“Waxaynu joognaa bilowgii roobka Guga. Waxaan filaynaa in gobolada Puntland ay helaan roobab fiican maalmaha soo socda,” ayuu yiri agaasimuhu.

Waxa uu intaas ku daray: “Waxaan u sheegayaa dadka in ay roobka ka jiriyaan xoolaha sababtoo ah xooluhu waa kuwo tabar daran oo ay abaari saameysay.”

Cayrow ayaa sidoo kale uga digay dadka xoolo dhaqatada ah in ay joojiyaan guurista inta lagu guda jiro maalmaha roobabku da’ayaan si looga gaashaanto waxyeelo macquul ah.

Xilli roobaadka Guga ayaa la filayaa in uu bilaabno inta lagu guda jiro bilaha April iyo May kadib abaar daran oo ku dhufatay Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*