Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo sheegay in aysan wax dhibbaato ah kala kulmin Puntland

Malaaq Khaliif Maxamed Axmed oo ka hadlayay Garoowe, June 16, 2019. [Sawirka: Screen-shot]
Garoowe-(Puntland Mirror) Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee kunool Puntland ayaa sheegay in aysan wajahayn wax khatar ah.

Shir saxaafadeed lagu qabtay magaalada Garoowe maanta oo Axad ah, odayaasha dhaqanka ayaa beeniyay shakhsiyaad sheegay in dadka Koonfur Galbeed lagu dhibbaateeyo gudaha gobolada Puntland.

“Puntland anagaa joogna laguma dhibbaateeyo dadka Koonfur Galbeed, laguma laayo lagumana xasuuqo, muwaadiniin Soomaaliyeed oo dadkooda degan weeye, kii ganacsi ah ganacsi buu haystaa kii xamaali ah waa xamaashaa kii shaqeysanaya waa u ka shaqeystaa, waa dad Soomaaliyeed oo meeshay doonaan maraya waxay doonaan ku hadlaya.” Ayuu yiri Malaaq Khaliif Maxamed Axmed.

Hadalkan ayaa daba socday kadib markii odayaal jooga Baydhabo ay sheegeen in dadka Koonfur Galbeed lagu dhibbaateeyo deegaanada Puntland iyo Galmudug.

Sabtidii, toban qof oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo. Dadka oo shacab ahaa ayaa loo bartilmaameedsaday haybtooda kadib markii nin loo maleynayo in uu Al-Shabaab katirsanaa uu dilay sargaal nabadsugida Galmudug ahaa.

Dadka ka soojeeda Koonfur Galbeed ayaa gobolada Puntland yimid qiyaastii sanadkii 2000, iyaga oo tan iyo xilligaas kunoolaa kuna ganacsanayay dhibbaato la’aan.

Waxaa jirtay in marar kala duwan dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo katirsan argagixisada Al-Shabaab ay falal amni daro ka sameeyeen gudaha Puntland, balse ma jirin in si gaar ah loo bartilmaameedsado dadka shacabka Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland.

Puntland oo la asaasay sanadkii 1998 ayaa kamid ah meelaha ugu nabadgelyada fiican Soomaaliya, waxaana kunool kumanaan qof oo ka soo cararay colaadaha ka jira deegaanada kale ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*