Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan, masuuliyiin kale oo dowladeed, hoggaamiye dhaqameedyo iyo xubno ka socday labada beelood ayaa ka qeybgalay kulanka.
Labada beelood ee dirirtu dhexmartay ayaa saxiixay in ay diyaar u yihiin dhex-dhexaadinta, iyadoo guddiga loo saaray lagu dhaarshay isla goobta.
Colaada u dhaxaysa labada beelood oo soo bilaabmatay bartamihii 2020 ayaa dhalisay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinacba.