Dhaarinta ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada, halkaas oo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Xubnaha, oo ay ku jiraan Wasiirka Kalluumeysiga iyo Wasiirka Warfaafinta iyo dhowr ku xigeen ayaa dhawaan laga magacaabay kadib markii Madaxweyne Deni uu isku shaandhayn kooban ku sameeyay golihiisa wasiiradda.