Xoolo dhaqato: Waxaanu lahayn 200 oo ari ah abaarta kahor hal orgi baa ka harsan

Caasho Jaamac Faahiye waa xoolo dhaqato ay saameysay abaartu. [Xigashada Sawirka: Radio Daljir]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa wajahaysa abaartii ugu darnayd ee soo marta muddo sannado ah, ku dhawaad 1.5 milyan oo dad ah ayaa u baahan caawimaad deg deg ah.

Abaarta daran ee ku dhufatay gobolka ayaa dishay intooda badan xoolihii, oo laf dhabar u ah dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed.

Caasho Jaamac Faahiye waa xoolo dhaqato ay saameysay abaartu, waxay warbaahinta u sheegtay in abaartu ay dhammeysay arigii qoyskooda oo dhan.

“Qoyskaygu waxay lahaayeen 200 oo ari ah kahor abaarta hal orgi baa ka harsan, waxaanu nahay qoys ka kooban 12 qof,” ayay tiri Caasho Jaamac Faahiye.

“Waxaan ku jiraa da’dii 50-aad, waligay ma arag abaartan oo kale.” Ayay ku sii dartay.

Iyadoo ay abaartu sii socoto, dadka reer miyiga ah ayaa ka guuraya dhulka baadiyaha waxayna u wareegayaan magaalooyinka kadib markii xoolahoodii ay ka dhammaadeen.

Intii ay jirtay abaarta dabada dheer ugu yaraan 50 qof ayaa ku geeriyooday gudaha Puntland, dhimashada inteeda badan ee abaarta la xiriirta ayaa waxaa sababay oon iyo shuban biyood, sida saraakiisha caafimaadku ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Xilli roobaadkii Deyrta oo si fiican aan u da’in, oo badanaa la helo bilaha October iyo November ayaa sababtay abaarta, xilli roobaadka xiga oo ah Gu’ga ayaa la filayaa in uu bilaabmo bilaha April iyo May.

About Shafei Osman Yusuf 19 Articles
A Puntland Mirror columnist focuses on issues related to social development. Shafei holds a bachelor of public administration from Puntland State University (PSU) and a bachelor of education from Islamic University in Uganda (IUIU). You can reach him on: shaafiyare2011@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*