Al-Shabaab oo bilowday ugaarsiga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur kadib markii Mareykanku ka saaray liiska argagixisada

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Xigashada Sawirka: Twitter/Hamza Afrika]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bilowday ugaarsiga si ay u dilaan ama u qabtaan Mukhtaar Roobow Abu Mansuur kadib markii dhawaan Mareykanku uu ka saaray liiska argagixisada, sida ay sheegeen ilo-wareed dhanka ammaanka ah.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay boqolaal maleeshiyo hubaysan u direen si ay Abu Mansuur uga raadiyaan gudaha gobolada Bay iyo Bakool.

Abu Mansuur oo horey u soo noqday hoggaamiye ku xigeenka iyo afhayeenka kooxda ayaa tan iyo sanadkii 2013-kii ku dhuumanayay deegaano kuyaala gobolada Bay iyo Bakool halkaas oo uu asal ahaan ka soo jeedo, sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu.

Asbuucaan, Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay liiska argagixisada ka saartay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.

Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa sanadihii lasoo dhaafay aan xiriir fiican la lahayn ururka Al-Shabaab kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane kaas oo Mareykanku duqeyn ku dilay sanadkii 2014-kii.

Bishii June ee sanadkii 2012-kii ayaa Abu Mansuur Mareykanku waxa ay ku dareen liiska dadka ay doonayaan waxaana madaxiisa la dul saaray shan milyan oo Dollar (5,000,000).

Waa kuma Abu Mansuur?

Mukhtaar Roobow Abu Mansuur. [Sawirka: Archive]

Waxa uu ku dhashay sanadkii 1960 gudaha degmada Xudur ee gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sanadkii 1996 waxa uu saldhigii ugu horeeyay ee xirfadlenimada tababarka maleeshiyada ka furay gudaha Xudur.

Sanadkii 1998 waxa uu hoggaamiye ka ahaa dagaalkii Gedo ee dhexmaray dhaqdhaqaaqa maleeshiyada ee ka dhanka ah ciidamada Itoobiya ee degmada Luuq iyo gobolka Gedo.

2001 ilaa 2002, waxa uu u safray dalka Afkaanistaan si uu tababar ugu soo qaado waxaana uu ka soo qeybgalay dagaalkii Afkaanistaan ee ka dhanka ahaa ciidamada Mareykanka.

2002 ilaa 2004, waxaa la rumeysanyahay in uu Scandinavia qaxooti ku ahaa, gaar ahaan dalka Finland.

2006 waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka iyo masuulka Arrimaha Amniga gudaha ee ururkii Maxaakiimta Islaamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*