Shan qof oo ku dhimatay gaari lagu dhuftay dad Yuhuud ah gudaha magaalada Qudus

Shan qof oo ku dhimatay gaari lagu dhuftay dad Yuhuud ah gudaha magaalada Qudus. [Sawirka: Twitter]
Shan qof oo ku dhimatay gaari lagu dhuftay dad Yuhuud ah gudaha magaalada Qudus. [Sawirka: Twitter]
Qudus-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof oo ay kamidyihiin afar Yuhuud ah iyo qofka weerarka lagu eedeeyay oo Falastiini ah ayaa la dilay kadib markii gaari lagu dhuftay dad marayay wado kutaala magaalada Qudus maanta oo Axad ah, sida ay sheegeen saraakiisha.

Afhayeen u hadlay Yuhuuda oo la dhaho Luba Samri ayaa sheegay in afar askari oo Yuhuuda ay ku geeriyoodeen weerarkaas.

Dhan kale, bayaan kasoo baxay wasaarada caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa lagu sheegay in la toogtay qof Falastiini ah.

Ugu yaraan 15 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacantay weerarka oo loo adeegsaday gaari weyn, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Yuhuuda.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*