Agaasime ku xigeenkii hore ee NISA oo loo magacaabay la taliye sare

Agaasime ku xigeenkii hore ee NISA Cabduqaadir Maxamed Nuur. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Agaasime ku xigeenkii hore ee haayada sirdoonka qaranka ee NISA ayaa loo magacaabay la taliye sare.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh ayaa Cabduqaadir Maxamed Nuur u magacaabay la taliyihiisa sare, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha maanta oo Sabti ah.

Asbuucii lasoo dhaafay, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa agaasime ku xigeenkii hore ee NISA xilka ka qaaday, isaga oo magacaabay Fahad Yaasiin, oo ah saaxiibkiis ay aad isugu dhow-yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*