Baarlamaanka Hir-shabeelle oo ceyriyay madaxweynihii maamulkaas

Madaxweynaha kalsoonida lagala noqday Cali Cabdullaahi Cosoble. [Sawirka: Archive]
Jowhar-(Puntland Mirror) Baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle ayaa ceyriyay madaxweynihii maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble kadib markii ay kalsoonidii kala noqdeen maanta oo Isniin ah.

Ku dhawaad 70 xildhibaanada Hir-shabeelle ayaa u codeeyay in kalsoonida lagala noqdo Cosoble kulan ay ku yeesheen gudaha magaalada Jowhar, iyaga oo ku eedeeyay waxqabad xumo mudadii uu xafiiska joogay.

Tilaabadaan ayaa timid hal maalin kadib markii ilaa 13 wasiir oo Hir-shabeelle katirsan ay iscasileen.

Bishii Oktoobar sanadkii 2016, ayaa Cosoble loo doortay madaxweynihii ugu horeeyay maamulkaas oo fadhigiisu yahay Jowhar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*