Dhaarinta oo ka dhacday xarunta aqalka baarlamaanka ee magaalada Garoowe ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhammaan xildhibaanada.
Sida dhaqanka ah, xildhibaanada ayaa Xuseen Xaaji Yasiin oo ah xubinta ugu da’ weyn u doortay guddoomiye kumeelgaar ah.
Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ayaa ka shaqayn doona sidii baarlamaanku ay guddoomiye rasmi ah u dooran lahaayeen saddexda beri ee soo socda.
Xildhibaanada ayaa intooda badani yihiin kuwo cusub oo dhalinyaro ah waxaana ku jirta hal xubin oo haween ah.