Markab kiimikada qaada oo marayay biyaha Soomaaliya oo iska difaacay weerar burcadbadeed

 

Markab kiimikada qaada oo marayay biyaha Soomaaliya oo iska difaacay weerar burcadbadeed. [Sawirka]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Koox looga shaki qabo burcadbadeed Soomaali ah ayaa weerar ku qaaday markab kiimikada qaada shalay oo Jimce ahayd balse waxaa iska difaacay ilaaladii saarnaa markabka, sida ay sheegeen Ciidamadda Badda ee Midowga Yurub.

Ciidamadda Badda ee Midowga Yurub (EU Navfor ) ayaa bayaan ku sheegay in markabka oo la dhaho MT Leopard Sun oo siday 50,000 mitirik tan uu kasoo shiraacday Sohar oo kutaala Cumaan uuna u socday Cape Town, Koonfur Afrika, markii ay labo doonyood weerar ku qaadeen markabka oo marayay meel 295 kiilomitir u jirta xeebta Soomaaliya.

“Doonyaha ayaa u soo dhawaaday markabka iyaga oo rasaas ku furay, kadib mid kamid ah ilaalada ayaa uga jawaabay xabado digniin ah,” EU Navfor ayaa sidaa yiri.

Dhacdada ayaa socotay muddo ku dhow 20 daqiiqo, markabka iyo shaqaalaha ayaa nabad galay.

Weerarka, oo loo maleynayo in uu yahay burcad-badeednimo, ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ka dhaca biyaha Soomaaliya tan iyo bishii November 2017, sida ay sheegeen EU Navfor.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2017 ayaa weerarada burcadbadeedku soo noqdeen kadib muddo dhowr sanno ah oo aysan biyaha Soomaaliya ka dhicin wax weerar burcad-badeednimo ah. Sanadkii ugu badnaa ayaa ahaa 2011, markaas oo burcadbadeedku ay qaadeen 237 weerar ayna qabsadeen boqolaal la haystayaal ah, sida ay muujineyso xogta International Maritime Bureau.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*