Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland oo la dhaariyay

Qaar katirsan xildhibaanada cusub ee Puntland. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xubnaha xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntand ayaa maanta oo Talaado la dhaariyay kadib markii xalay la sii daayay liiskooda.

Dhaarinta oo ka dhacday xarunta aqalka baarlamaanka ee magaalada Garoowe ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhammaan xildhibaanada.

Sida dhaqanka ah, xildhibaanada ayaa Xuseen Xaaji Yasiin oo ah xubinta ugu da’ weyn u doortay guddoomiye kumeelgaar ah.

Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ayaa ka shaqayn doona sidii baarlamaanku ay guddoomiye rasmi ah u dooran lahaayeen saddexda beri ee soo socda.

Xildhibaanada ayaa intooda badani yihiin kuwo cusub oo dhalinyaro ah waxaana ku jirta hal xubin oo haween ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*