Sanaadiiqda codeynta doorashada dowlada hoose Puntland oo la qardo jeexiyay

Sanaadiiqda doorashada codeynta. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Sanaadiiqda codeynta degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal iyo gobolka Mudug ayaa gaaray deegaanadaas maanta oo Sabti ah kadib markii baaburta siday ay mareen wado raf ah, sida ay ilo-wareedyo deegaanka katirsan ay u xaqiijiyeen bog wareedka Puntland Mirror.

Maalmihii u dambeeyay waxaa jiray khilaaf xoogan oo ka taagan qabsoomida doorashada dowladdaha hoose oo qorshuhu yahay in ay dhacdo 25-ka May. Ciidamo taageersan siyaasiyiin mucaarad ah oo dhawaan ka soo baxay jiida dagaalka Laascaanood ayaa fariisimo ka dhigtay kantaroolada Garoowe si ay uga hortagaan qaadista sanaadiiqda.

Asbuucii la soo dhaafay, labo askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay kadib markii ay isku dhaceen ciidanka ka soo horjeeda doorashada iyo ciidan galbinayay sanaadiiqda duleedka Bari ee Garoowe.

Siyaasiyiinta ka soo horjeeda doorashada oo dhawaan Garoowe ku shiray ayaa ka digay qabashada doorashada iyadoo aan heshiis laga gaarin khilaafyada jira sida halka la aadayo doorashada dowladda hoose kadib, iyadoo mucaaradka ay ku eedaynayaan madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni in uu doonayo in ku darsi samaynayo ama uu qabto doorasho uu ku shubto si uu kursiga ugu soo noqdo.

Waxaa jira wadahadalo dhex-dhexaadin ah oo ay wadeen qaar kamid ah isimada SSC balse ma jirto xal rasni ah oo weli laga gaaray arrinta.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in ku dhawaad 400,000 qof ay iska diiwaangeliyeen gobolada Nugaal, Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan, Gaardafuu iyo Mudug. Gobolada Sool iyo Cayn oo kamid ah sagaalka gobol ee Puntland ayaa meel kamid ah aysan is-diiwaangelin ka dhicin.

Puntland ayaa bishii October 2021 saddex degmo ka qabatay doorasho hal qof iyo hal cod markii ugu horeysay tan iyo asaaskii Puntland, taasoo yididiilo u ahayd in bulshada ay xaq u yeeshaan in ay codkooda ku doortaan masuuliyiinta u adeega. Balse is-casilaadii guddoomiyihii TPEC Guuleed Saalax Bare iyo ku xigeenkiisii Jaamac Xirsi Faarax ayaa saamayn weyn ku yeelatay kalsoonida dadka ee hanaanka dimuqraadiyada. Labada masuul oo iscasilay bishii January 2022 ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu caqabad ku noqday hanaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*