Xasan Shiikh Maxamuud oo dib loogu doortay madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. [Isha Sawirka: Anadolu]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xasan Shiikh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa dib loogu doortay xilka Axadii.

Xasan oo 66 sanno jir ah, ayaa ka adkaaday madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo labbo kale oo musharax wareegii saddexaad ee codaynta oo ka dhacday Muqdisho.

Xasan ayaa Soomaaliya soo hoggaamiyay laga bilaabo 2012 ilaa 2017, markaas oo uu ka shaqeeyay adkaynta haayadaha federaalka.

Doorashada ayaa ka dhacday teendho amnigeeda aad loo adkeeyay oo kutaala garoonka Muqdisho. In ka badan 300 xildhibaan oo isugu aqalka hoose iyo aqalka sare oo laga soo xulay beelaha Soomaaliyeed ayaa codkooda dhiibtay oo doortay madaxweynaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*