Madaxweyne Biden oo meelmariyay in markale ciidamada Mareykan ah dib loogu diro Soomaaliya

Askari Mareykan ah oo tababaraya cutubyo katirsan ciidanka Danab ee Sooaaliya.[Isha Sawirka: US Air Force]
Washington-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa saxiixay amar ogolaanaya in mar kale dib loogu diro boqolaal ciidamo ah gudaha Soomaaliya kaasoo meesha ka saaraya go’aankii Madaxweynihii hore Donald Trump uu ku dhawaad 700 ciidanka dhulka oo ku sugnaa Soomaaliya ku saaray, sida uu tabiyay wargeyska afka-dheer ee New York Times maanta oo Isniin ah.

Biden ayaa sidoo kale Waaxda Difaaca Mareykanka u ogolaaday in ay bartilmaameedsadaan tobonaan hoggaamiye oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida New York Times ay qortay.

Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa u joogay ku dhawaad 700 ciidamo ah kahor inta Trump uusan ku amrin in ay ka baxaan. Ciidanka ayaa loo wareejiyay meel aan la sheegin oo kutaala Geeska Afrika.

Weli ma cadda inta ay yihiin ciidamada dib loogu diri doono Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*