Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay in uu tartami doono doorashada 15-ka May dhacaysa

Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in uu tartami doona doorashada 15-ka May dhacaysa.

Muuqaal kooban oo lagu daabacay akoomadiisa gaaraka ah ee baraha bulshada, waxa uu kaga codsaday xildhibaanada labada aqal in ay codkooda siiyaan.

Farmaajo, oo madaxweyne loo doortay bishii Febaraayo 2017, ayaa la loolamaya tobonaan musharixiin ah oo ka soo horjeeda oo ay ka mid yihiin labo madaxweyne oo hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, raysulwasaare hore Xasan Cali Khayre, iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Doorashada Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in ay dhacdo bishii Febaraayo 2021, balse dib ayay u dhacday sababo kala duwan oo ay ugu weyntahay khilaaf siyaasadeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*