Xaalada Gaalkacyo oo dagan kadib dagaal culus oo shalay dhacay

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. [Sawirka: Puntland Mirror]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa maanta oo Jimce ah dagan kadib dagaalo culus oo shalay oo Khamiis ahayd dhacay.
Dagaalkii shalay oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Puntland iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada, waxaana uu ahaa dagaal la isku adeegsaday madaafiic cul culus oo laga maqlayay dhamaan magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa ka bilaabmay kadib markii dhanka Galmudug ay madaafiic kusoo rideen xaafada Garsoor, iyada oo jawaab laga bixinayo, ciidamada Puntland ayaa weerar culus ku qaaday fariisimihii maleeshiyadii Galmudug ee ay madaafiicda kasoo ridayeen, ciidamada Puntland ayaa halkaas la wareegay markii dambe, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Wali si cad looma oga khasaarihii dagaalkii shalay dhacay, balse dadka deegaanka ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dagaalkaas uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Dhismaha maxjarka oo socda

Duqa magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumay oo kormeeraya dhismaha maxjarka. [Sawirka: bogga/Facebook ee duqa.
Dhismaha maxjarka lagu kala wareejinayo xoolaha ka yimaada koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya ayaa si rasmiya uga socda duleedka galbeed ee xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Duqa magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumay ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo dhismaha maxjarka.

Tumaya ayaa sheegay in uusan hakan doonin dhismaha maxjarka hadana uu marayo meel gabagabo ah.

Dhismaha maxjarka ayaa la aaminsanyahay in uu ka dhashay dagaalka hadda ka socda kadib markii bilowgii bishaan maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug oo diidan dhismaha maxjarka ay weerar kusoo qaadeen halka uu hadda ka socdo dhismahiisu oo ah duleedka xaafada Garsoor ee qaybta Puntland maamusho ee magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo ayaa u qaybsanta labo dhinac, mid waxaa maamusha dowlada Puntland mida kalena maamulka Galmudug.

Barakac ka bilaabmay magaalada

barokac
Baabuur sida dad ka barakacay magaalada. [Sawirka: Archive]
Boqolaal qof oo shacab ah ayaa ku barakacay dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug gaar ahaan xaafadaha u dhow koonfurta magaalada oo ah halka uu dagaalka ka socdo.

Dadka ayaa u barakcay qaybo kamid ah magaalada gaar ahaan qaybta waqooyi ee Puntland halka kuwo kalena ay u barakaceen deegaanada miyiga ah eek u dhow magaalada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*