Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo sheegay in qaar katirsan Al-Shabaab loo wareejiyay Muqdisho ay baxsadeen

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa sheegay in xubno katirsan Al-Shabaab kuwaasoo loo wareejiyay Muqdisho, qeyb kamid ah ay baxsadeen, ayna ku biireen maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan koonfurta Soomaaliya.

“Wararka aanu helayno waxay sheegayaan in maleeshiyadii Al-Shabaab oo loo wareejiyay Muqdisho qeyb kamid ah ay maqanyihiin, mar labaadna lagu qabtay iyaga oo dagaal ku jira,” ayuu yiri Camay.

Waxa uu intaas ku daray: “Waxaan codsanaynaa in la baaro arrintaas, waxaanu hubin doonaa in maleeshiyaad kale aan dib markale loogu wareejin doonin Muqdisho, haddiiba ay halkaas ka baxsanayaan,”

Dabayaaqadii sanadkii 2016-kii, Puntland ayaa 26 maxaabiis ah oo Al-Shabaab ah kuwaasoo ka yar da’da 18-ka sanno ku wareejisay dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Dhawaan, warsidaha Puntland Mirror ayaa ogaaday in dowladda Puntland ayaa dib u dhigtay dilka maxaabiis Al-Shabaab ah kuwaasoo horey loogu xukumay dil toogasho, maxaabiista ayaa laga sii daayay xabsiga waxaana loo raray guri kuyaala gudaha magaalada Garoowe si dib loogu dhaqancesho bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*