Maxkamada ciidamadda Soomaaliya oo dil toogasho ah ku xukuntay mid kamid ah shan qof oo loo heystay qaraxii Zoobe

Guddoomiyaha maxkamada Gaashaanle Xasan Nuur Cali Shuute. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah dil toogasho ah ku xukuntay mid kamid ah shan qof oo loo heystay qaraxii Zoobe, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada Gaashaanle Xasan Nuur Cali Shuute.

Labo qof oo kale ayaa maxkamadda ku xukuntay xabsi. Sidoo kale labo eedaysane oo kale ayaa maxkamaddu fasaxday kadib markii wax dembi ah lagu waayay.

In ka badan 500 qof ayaa ku dhimatay qaraxii ka dhacay iskoyska Zoobe ee Muqdisho 14-kii Oktoobar, 2017, kaasoo ahaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhaca Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*