Taliyeyaal cusub oo loo magacaabay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliyeyaal cusub ayaa loo magacaabay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Magacaabida ayaa waxaa soo jeediyay wasaaraddaha difaaca, amniga, iyo cadaalada waxaana ansixiyay golaha wasiiradda oo fadhigooda asbuuclaha ah ku yeeshay Muqdisho maanta oo Khamiis ah.

Taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa loo magacaabay Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, oo badali doona Janaraal Daahir Aadan Indhoqarshe.

Fahad Yaasiin Xaaji, oo ahaa taliye ku xigeen ahna ku simaha haayada nabadsugida iyo sirdoonka ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee haayadaas.

Taliyaha ciidanka booliiska ayaa loo magacaabay Janaraal Cabdi Maxamed. Halka taliyaha ciidanka asluubta loo magacaabay Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*