Madaxweyne Farmaajo oo markale codsaday in la joojiyo dagaalka Tukaraq

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay in la joojiyo dagaalka Tukaraq.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta oo Jimce ah ka hadlayay masjid kuyaala Muqdisho ayaa yiri: “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya Tukaraq,”

“Waxaan leeyahay xabad joojin deg-deg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo, waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed.” Ayuu ku sii daray.

Tobonaan qof oo katirsan Puntland iyo Somaliland ayaa ku geeriyooday dagaal Khamiistii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan caafimaadka.

Xaalada Tukaraq ayaa deganayd maanta oo Jimce ah, balse ciidamada labada dhinac ayaa weli halkaas isku hor fadhiya, taasoo keeni karta in wakhti kasta uu dagaal ka dhex qarxi karo.

Waa markii labaad oo Farmaajo uu codsado in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Dhanka kale, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ugu yeeray labada dhinac ee dagaalamaya in ay joojiyaan dagaalka.

Ciidamada labada dhinac ayaa isku horfadhiyay deegaanka Tukaraq tan iyo markii ciidamo hubeysan oo ka socda Somaliland ay bishii Janaayo ee sanadkan la wareegeen Tukaraq, oo 80 km dhanka waqooyiga ka jirta Garoowe.

Dagaalka fool ka fool ka ah ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa si rasmi ah u bilaabmay 15-kii bishaan May.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*