Stockholm-(Puntland Mirror) Wiil 8-sanno jir ah oo haystay dhalashada Britain kana soo jeeday Soomaaliya ayaa la dilay kadib markii bumbo gacmeed lagu tuuray qolkiisa hurdada ee gobolka Gothenburg ee dalka Sweden.
Weerarka ayaa ka dhashay muran u dhaxeeyay kooxo gaangis Soomaali ah oo kunool dalka Sweden, sida ay sheegeen laamaha dambi-baarista dalkaas.
Wiilka yar ee dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Cabdiwaaxid Warsame, wuxuuna ka yimid magaalada Birmingham ee wadanka Britain.
Aabihiis Cabdiwaaxid Warsame ayaa cadeeyay dhimashada wiilkiisa, kaasoo booqasho ugu tagay qoyskiisa oo jooga dalka Sweden.
Cabdiwaaxid ayaa yiri: “Wuxuu ahaa wiil aan jeclahay, wiil qurux badan, wuxuu aad u jeclaa iskuulka runtiina shaqadiisu waxay ahayd waxbarasho.
Dalka Sweden ayaa kamid ah wadamada ugu amaanka badan caalamka, dad badan oo Soomali ah ayaa kunool dalkaas.