Ilhaan Cumar oo ku guuleysatay aqalka Congress

Ilhaan Cumar. [Sawir Hore]
Minneapolis-(Puntland Mirror) Ilhaan Cumar ayaa mar kale sameysay taariikh cusub. Hadda waxay noqon qofkii ugu horeeyay ee Somali-Mareykan ah oo loo doorto aqalka Congress.

Ilhaan oo ka socota xisbiga Dimuqrraadiga ayaa ka adkaatay Jennifer Zielinski oo katirsan xisbiga Jamhuuriga si ay u matasho degmada shanaad taasoo ka kooban Edina, Richfield, Golden Valley iyo meelo kale.

Ilhaan oo 36-sanno jir ah ayaa taageertay daryeelka caafimaadka uu halka qof isku tiirsanyahay, adkeynta xakameynta hubka iyo siyaasadda balaaran ee soo galootiga.

Waxa ay taariikh ka sameysay gudaha Mareykanka iyada oo qaxooti ahaan dalka kusoo gashay ayay ku guuleysatay xafiis sare oo siyaasadeed. Ilhaan ayaa dalka timid iyada oo 12-sanno jir ah.

Ilhaan ayaa sidoo kale noqotay haweenaydii ugu horeysay oo Muslim ah oo loo doorta aqalka Congress, inkastoo Rashida Tlaib, oo sidoo kale Talaadadii guuleysatay ay noqotay haweenay labaad oo Muslim ah oo loo doorta Congress-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*