Koonfur Afrika oo doonaysa in ay ka baxdo Maxkamada Dambiyada Caalamiga ah

Wasiirka difaaca Koonfur Afrika, Michael Masutha. [Sawirka: Archive]
Wasiirka cadaalada Koonfur Afrika, Michael Masutha. [Sawirka: Archive]
Pretoria-(Puntland Mirror) Dalka Koonfur Afrika ayaa doonaya in ay ka baxaan Maxkamada Dambiyada Caalamiga ah ee (ICC) sababtoo waajibaadkeedii ayaa isbadalay ee sharciyaynta hoggaamiyaasha diblomaasiyadeed, sida ay sheegeen saraakiisha dowlada Koonfur Afrika.

Wasiirka cadaalada Koonfur Afrika, Michael Masutha ayaa maanta oo Jimce ah sheegay in dowlada ay dhawaan baarlamaanka geyn doonto sharci dowladeedka ka bixitaanka maxkamada fadhigeeda yahay Hague, go’aankan ayaa imaanaya iyada oo dalal badan oo Afrikaan ah ay muujiyeen walaac ku aadan waxa ay ugu yeereen in ICC si aan cadaalad ahayn u bartilmaameedsanayso qaarada.

“Sharciga waxa uu soo jeedinayaa in Koonfur Afrika ay joojiso digreetadii Rome taasoo lagu sameeyay maxkamada sababtoo ah digreetada waxay colaad iyo cadaalad daro ku tahay difaacida sharciyada diblomaasiyadeed ee qaarada,” ayuu yiri Masutha oo wariyeyaasha kula hadlayay caasimada Pretoria.

Sanadkii hore, Koonfur Afrika ayaa sheegtay in ay qorshaysay in ay ka baxdo ICC kadib markii ay wajahday cambaarayn ku aadan in aysan soo xirin madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir markii uu booqday dalkaas, Al-bashiir ayaa ICC ku eedaysay xasuuq iyo dambiyo dagaal, balse waa uu diiday eedaymahaas.

Tifaftiraha wararka caalamka ee warsidaha Puntland Mirror Cabdiraxmaan Cabdulaahi Shiikh oo ku takhasusay barashada xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in madaxda qaarada Afrika ay qabaan in ICC si aan cadaalad ahayn ay u bartilmaameedsato dowladaha Afrika iyo madaxdooda.

“In dhoweydba waxay ahayd arrin soo baxaysay ka bixitaanka maxkamada ICC marka la isugu yimaado shirarka waa-weyn ee hoggaamiyaasha Afrika,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

“Dalka kale ee Afrikaanka ah, waa Burundi oo u muuqda in uu noqonayo dalkii kowaad oo ka baxa digreetadii Rome ee heshiiskii 1998-dii lagu asaasay Maxkamada Aduunka kadib markii asbuucii aynu soo dhaafnay baarlamaankiisu u codeeyeen in laga baxo… madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza waxa uu saxiixay Talaadadii natiijadii kasoo baxday codaynta, laakiin Qaramada Midoobay wali si rasmiya uma aysan war-gelin,” ayuu ku daray tifaftiraha wararka caalamka ee Puntland Mirror.

Ugu dambayna, Cabdiraxmaan Cabdulaahi Shiikh ayaa sheegay in dalal badan oo Afrikaan ah ay ku hanjabeen ka bixitaanka ICC, iyaga oo ku eedaynaya in ay si aad ah ugu qaado eedaymo lidi ku ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*